Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa hadda ku andacoonaya in uu jiro qorshe qaranku leeyahay, iyada oo loo marayo wakiillo aan la magacaabin oo lagu doonayo in xilka lagaga xayuubiyo madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome isla markaana la kala diro xubnaha maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ka hor doorashada guud ee 2027-ka.
Waxaa uu soo hadal qaaday tallaabadii dhawaan dib loogu yeeray saraakiishii ilaalinayay Martha Koome.
Gachagua ayaa taasi ku tilmaamay mid ka mid ah istaraatiijiyadda dowladda ay adeegsanaysa si loo cabsi geliyo garsooraha oo loogu cadaadiyo in ay is casisho.
Waxaa uu sidoo kale Rigathi Gachagua shaaca ka qaaday in xukuumadda madaxweyne William Ruto ay doonayso inay meesha ka saarto maxkamadda ugu sarreysa.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa ku dooday in hadafka ugu dambeeya uu yahay in la sameeyo waax garsoor oo u daneysa golaha fulinta ee dowladda.
Hadalka Gachagua ayaa imanaaya xilli ay jiraan khilaafaad waaweyn oo ku xeeran maxkamadda sare.
Gachagua ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa kaniisadda Meru PCEA ee ismaamulka Meru wuxuuna madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ugu baaqay in aynan is casilin.
Dhawaan ayay ahayd markii Martha Koome lagala laabtay saaraakiisha amnigeeda sugaayay oo markii dambe dib loogu soo celiyay.
Arrintan ayuu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kipchumba Murkomen ku tilmaamay hannaanka caadiga ah ee adeegga qaran ee booliiska NPS.
Nelson Havi oo horay u soo noqday madaxa ururka qareennada Kenya ee LSK ayaa sidoo kale doonayaa in xilka laga qaado Koome iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadda Supreme Court.
Havi ayaa xaakinnada ku eedeyay arrimo ay anshax xumo ka mid tahay isagoo ku boorriyay guddiga adeegga garsoorka ee JSC inay ku qasbaan madaxweyne William Ruto inuu billaabo hannaanka shaqo ka joojinta toddobada garsoore.