Baarlamaanka dalka oo berri ka doodi doono magacaabistii madaxa cadaaladda

0
508

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa berri yeelan doono kal-fadhi gaar ah oo ay uga doodayaan soo xulistii madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome oo guddiga JSC turxaan bixin ka dib u xushay jagadan.
Ogeysiis ku taariikheysan 17-ka bisha Shanaad ee May ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi ku wargaliyay xubnaha in kal-fadhiyo gaar ah ay dhici doonaan berri subixii iyo gelinka dambe.
Saddex toddobaad ka hor ayay ahayd markii guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka JSC uu u magacaabay madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome Karabu.
Haweeneydan ayaa ka mid ahayd 10 musharrax oo uu guddigan turxaan bixiyay