Booliiska Vietnam oo 5 qof u xiray khiyaano maaliyadeed

0
603

Ciidamada booliiska ee dalka Vietnam ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 5 ruux oo lala xiriirinaya lacag dhaqidda.
Waxay laamaha ammaanka intaasi ku dareen in ay burburiyeen shabakad waddankaasi dibadiisa ka keentay ilaa 1.2 bilyan oo doollar.
Booliiska ayaa xusay in intii u dhexeysay 2022-kii ilaa sanadkii hore ay xubnaha shabakaddan oo ay ka mid yihiin shaqaale bangiyeed ay si been abuur ah u sameyeen kaararka aqoonsiga iyo tiimbarada bangiyada iyagoo aasaasay ganacsiyo dhan 187.
Dadkan ayaa sidoo kale furay in ka badan 600 oo ah akoonnada bangiyeed ee shirkadaha kuwaasi oo loo adeegsaday in lagu wareejiyo lacagta qaab khiyaano ama khamaar ah looga soo helay qurbaha Vietnam.
Bayaanka booliiska waxaa ku cad in ay gacanta ku dhigeen 122 ah tiimbaro faalis ah iyo nuqullada shahaadooyinka diiwaangelinta ganacsiyada oo gaaraya 40.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii maalqabeenadda dalkaasi Truong My Lan lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dembiga lacag dhaqidda ama sifeynta lacagaha faaliska ah in kastoo ay xukunkaasi racfaan ka qaadanaysa.