Qaramada Midoobay oo sheegtay in sare loo qaadaya cunnada lagu qaybinaya Qaza

0
73

Sarkaal ka tirsan jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka ee ka howlgalo Qaza ay kordhinayaan cunnada shacabka loo qaybinaya.
Sidoo kale, waxaa dib loo furaya foornooyinka lagu sameeyo rootiga halka dib loo dayactiraya oo mar kale la qalabeynaya isbitaallada iyo ilaha biyaha.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Qaza ka dhaqan galay heshiiskii xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.