Booliiska Ingiriiska oo baaraya haweeney Kenyaan ah oo halkaasi lagu dilay

0
257

Booliiska boqortooyada Ingiriiska ayaa baaraya dhacdo la sheegay in haweeney asal ahaan ka soo jeedda dalka Kenya lagu dilay guri ay ka degganayd magaalada Woolwich ee dhanka Koonfurta Bari kaga beegan magaalada London.
Bayaan uu soo saaray Adeegga booliiska Metropolitan ayaa lagu sheegay in meydka Marianne Kilonzi oo 43 sano jir ah laga helay aagga Argyll Road saacadu markay ahayd 5:25 galabnimadii Jimciha ee 17-kii kii bishan Janaayo.
Haweenaydan oo ka qalin jabisay culuunta Sayniska Kombuyuutarka ee Jaamacadda Kenyatta ayaa ahayd ku xigeenka madaxa ganacsiga iyo iibinta raasimaalka ee bangiga Citibank in ka badan 18 sano.
Dembi baarayaasha ayaa xusay in haweneydan ay aqoon u lahayd qofkii weeraray oo ay haatan raadinayaan.
Sidoo kale waxaa ay carrabka ku dhufteen in ay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa.