Ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay halka tiro kalena lagu dhaawacay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Waxaa sidatan laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka.
Haweeneyda lagu magacaabo Elise Stefanik oo uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u soo xushay in ay dalkaasi ay ku matasho qaramada midoobay ayaa sheegtay in Israa’iil ay xaq u leedahay Daanta Galbeed ee la haysto.
Shaqaalaha hay’adda difaaca madaniga ah ee Falastiin ayaa ku warramaya in 120 meydad ah laga soo saaray burburka dhismayaasha Qaza muddo laba maalmood gudaheeda ah.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan baniaadannimada ayaa sheegtay in ku dhawaad 900 oo baabuurta gargaarka ah ay gudaha u galeen Qaza shalay oo Talaadado ahayd.
Dhanka kale, xafiiska xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa xusay in xurriyadda dhaqdhaqaaqa ee Falastiiniyiinta aad loo xaddiday iyadoo deegaamaynta sharci darrada ah ee Israa’iilliyiinta ay sii fidayso.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa intii uu socday laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii lagu dilay ugu yaraan 47,107 qof halka lagu dhaawacay 111,147 kale oo Falastiniyiin ah.