Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday rag loo heysto dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay 21-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).
Maxkamadeynta raggaan oo gaarayay ilaa 6 Ruux oo isugu jira Saraakiil & askar ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo martay heerar kala duwan, iyadoo ugu dambeyn Maanta la soo gabagabeeyay xukuna laga soo saaray.
Guddiga Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u saaray baaritaanka dilkii guddoomiyihii degmada Hodan ayaa waxay horay u sheegeen in falkaasi uu u dhacay si ku talo-gal ah taasoo keentay in kiiska loo gudbiyo Maxkamada.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa dhowr jeer sheegay in dilkaas uu ahaa mid ku talo-gal ah, isagoo dalbaday in eedeysanayaasha lagu xukumo dil toogasho oo ah ciqabta dambiga ay galeen.
Maxkamadda Ciidamada ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheeegay in kiiskaan uusan aheyn ku talo-gal kadib baaritaan dhinacyo badan ah oo la sameeyay balse uu ahaa Shil dhacay, waxaana Maanta ay Xukun ku riday Saraakiil & Askar loo heysto dilkaas.
Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Howl-wadaag Shuceyb Cabdi Maxamed ayaa lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah, sababo la xiriira inuu ka gaabiyay howlihii loo igmaday & baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa, Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo isna 5 Sano oo Xabsi Ciidan ah lagu xukumay, halka min laba sano oo xabsi Ciidanka ah lagu xukumay, Jamaal Isxaaq Cali , Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax, & Kulmiye Kaariye Cali.
Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhamaan xukunsanayaasha waxay saartay bixinta Magta oo ah diyo adag iyo sidoo kale magdhow siinta Ibraahim Abuukar Cismaan & liibaan Xasan liiban oo shilkaasi uu dhaawac kasoo gaaray.
Ka sokoow xukunka Maanta lagu riday raga loo heystay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa waxaa Maxkamadda ay horay u siideysay Taliyihii hore ee Booliska degmada Waaberi Cabduqaadir Mooshin iyo ilaaladiisa ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.