DHAGEYSO:WAREYSI GAAR AH: Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump oo maanta la caleema-saaraya

0
435

Waxaa maanta la caleema-saari doonaa madaxweynaha 47-aad ee Maraykanka Donald Trump oo xilkiisa loo dhaarinaya.
Trump ayaa khudbad uu xalay jeediyay ka sheegay in maalinta ugu horreysa ee uu xafiiska la wareegaya oo maanta ah uu saxiixi doono amarro madaxweyne oo shacabka Maraykanka farxad gelinaya .
In kastoo uunan si cad u carrabaabin, haddana arrimaha la hadal haya waxaa ka mid ah la tacaalidda dadka soo galootiga ee Maraykanka ku galay sida sharci darrada ah.
Haddaba sidee loogu diyaar garoobaya dhaarinta madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.
Mowlid Maxamad Shuuriye ayaa arrimahan ka wareystay Nuur Xasan Nuur(Bukhari) oo ka mid ah howlwadeennada laanta afka-soomaaliga ee VOA-da oo ku sugan magaalada Washington DC.