Dadweyne isugu soo baxay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa soo dhaweeyay soo laabashada Falastiiniyiintii ugu horeysay ee lagu sii daayo heshiiska xabad joojinta ah ee Qasa.
Sagaashan qof ayaa xabsiga laga sii daayay maalintii ugu horreysay ee xabbad joojinta, taasi oo dhaqan gashay shalay oo axad ahayd.
Dhinaca Israa’iil-na saddex qof oo ka mid ah la haystayaasha Israa’iil ayaa Xamaas sii daysay Axaddii shalay waxaana la arkaya muuqaallo la baahiyay iyaga oo la midoobaya eheladooda.