Shacabka Falastiin oo u dabbaal degaya heshiis xabbad joojin ah oo la gaaray

0
220

Falastiiniyiinta ku nool Qaza ayaa u dabbaal degaya heshiis xabbad joojin ah oo la sheegay in ay wada gaareen Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa is-afgaradkan xaqiijiyay dhinacyada Israa’iil iyo Xamaas ku dhexdhexaadinayay dalka Qatar oo ay wada hadallo nabadeed ka socdeen.
Tani ayaa imaanaysa ka dib 15 bilood oo uu duullaan militari ka socdo Marinka Qaza.
Waxaa uu qorshuhu yahay in heshiiska xabbad joojinta ee la wada saxiixday uu si rasmi ah u dhaqangalo 19-ka bishan Jannaayo.
Hasa ahaate , ciidamada Israa’iil ayaa weli wado duqeymaha Qaza waxayna tan iyo markii heshiiska xabbad joojinta la shaaciyay ay dilen ugu yaraan 30 Falastiiniyiin ah.