Weerarrada ay Israa’iil ka wado Qaza ayaa waxaa intii uu waaga baryay lagu dilay in ka badan 24 ruux.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay ilo wareedyo caafimaad.
Tani ayaa tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay duullaanka militari ee Israa’iil ee gudaha Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ka dhigaysa ugu yaraan 46,584 ruux halka la dhaawacay 109,731 kale.