Madaxweynaha oo ardayda doonaya in mar kale sameeyaan KCSE ugu baaqay inay ka faa’iideystan imtixaan la sameyn doono bisha Toddobaad

0
310

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kula dardaarmay ardayda doonaya inay mar kale sameeyaan imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE) inay ka faa’iideystaan imtixaan la sameyn doono bisha Toddobaad.
Waxaa uu muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta in arday aan dib loo dhigin sababo la xiriira natiijo xumo ama dhacdooyin kale.
Hadalkan ayuu maanta madaxweynaha sheegay xilli uu xarigga ka jaray qaybta cashirrada dheeraadka lagu qaata ee loo yaqaano ‘tuition’ ee dugsiga hoose ee Lenana ee ku yaalla deegaan baarlamaaneedka Koonfurta Dagoretti ee ismaamulka Nairobi.
Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada ee dalka ay sheegtay in laga billaabo bisha Toddobaad ee sanadkan uu jiri doono imtixaanka KCSE-da oo ay ardayda u fadhiisan doonaan bisha July.
Wasiirka waxbarashada ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sare u qaadidda waxtarka hannaanka imtixaanka qaran.
Golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC ayaa imtixaankan qaban doono bisha Toddobaad ee sanad waliba.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in imtixaankan lagu bartilmaameedsan doono ardayda doonaya in ay mar kale sameeyaan KCSE-da ama kuwa ku seegay xanuun mise arrimo kale oo aan la filan awgood.
Sidoo kale imtixaankan ayaa lagu tixgelin doonaa dadka waawayn.
Sida caadiga ah waxaa imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da la sameeyaa dabayaaqada sanad kasta.