Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladaha caalamka ku boorriyay in ay xoojiyaan dadaallada ay kula tacaalayaan saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxaa uu tacsi u diray shacabka ku nool Maraykanka gaar ahaan kuwa magaalada Los Angeles, ee gobolka California ka dib dab dhawaan halkaasi ku faafay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 16 ruux.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ayuu hoggaamiyaha qaranka ku sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoysaska dadka dhacdadaasi ku geeriyooday iyo kuwa uu soo gaaray khasaaraha.
Dabka oo Talaadadii ka kacay Waqooyiga magaalada Los Angeles ayaa burburiyay tobanaan kun oo eekar oo dhul ah iyo in ka badan 12,000 dhismooyin ah waxaana weli la ogaan sababta rasmiga ee keentay dabkaasi in kastoo ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinaya sababta.