Doorasho guud oo maanta ka dhacaysa Croatia

0
366

Shacabka dalka Croatia ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho guud oo ay madaxweyne ugu codeynayaan.
Waxaa la filayaa inuu mar kale guulaysto hoggaamiyaha talada waddankaasi haya Zoran Milanovic.
Goobaha codbixinta oo furmay abaare 7-dii subaxnimo ee saacadda Croatia ayaa la xiri doonaa 7-da fiidnimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wareeggii koowaad ee codeynta oo la qabtay labo toddobaad ka hor , uu Milanovic soo hooyay boqolkiiba 49.1 ee codadkii ay dadweynaha dhiibteen.
Doorashada ayaa imaanaysa iyadoo Croatia oo ay ku nool yihiin 3.8 milyan oo qof ay la daala dhacaysa sicir barar, musuqmaasuq iyo shaqo la’aan.