Margaret Nyambura oo iska diiday xil loo magacaabay

0
560

Wasiiraddii hore ee warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhaqaalaha casriga ah Dr. Margaret Nyambura Ndung’u ayaa iska diiday xilka wakiilka sare ee Kenya ku matala dalka Ghana oo uu u soo magacaabay madaxweyne William Ruto.
Waxay go’aankeeda u sababeysay arrimo shakhsi iyo kuwa qoys.
Ndung’u ayaa abaare 9-kii subaxnimo ee maanta lagu waday in ay ka soo hormuuqato guddiga baarlamaanka ee arrimaha difaaca , sirdoonka iyo xiriirka dibadda si loo turxaan bixiyo.
Hasa ahaate, waxay soo dirtay warqad rasmi ah oo ay ku shaacinaysa go’aankeeda.
Warqadda waxaa akhriyay guddoomiyaha guddiga, Nelson Koech.
Koech ayaa xusay in qabashada xilka wakiilka sare ee Kenya ee Ghana uu u muuqdo mid aan lagu nasiibsan karin maadaama Ndung’u ay tahay qofkii labaad ee iska diiday jagadaasi ka dib xildhibaankii hore ee galbeeka Mugirango Victor Mogaka Kemosi bishii Afaraad ee sanadkii hore.