DHAGEYSO:Dugsiga Abu Hureira ee Mombasa oo ka mid ah xarumaha natiijada wanaagsan ka soo hooyay KCSE

0
105

Dugsiga Abu Hureira ee magaalada Mombasa ayaa saddex arday oo ka mid ahaa kuwii sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da waxay soo hooyeen buundada labaad ee A- waxaana halkaasi lagu qabtay dabbaal deg ku aaddan natiijada.
Hooyada mid ka mid ah ardayda helay buundooyinka wanaagsan ee dugsiga Abu Hureira oo dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta ayaa waalidiinta ugu baaqday in ay carruurtooda ka soo dhisaan dhanka aasaaska diinta islaamka.

Maamulaha guud ee dugsigaasi Sheekh Maxamad Ismaaciil ayaa sheegay in tan iyo 2004-tii ay dadaal ku bixinayeen helidda buundooyinka sare.