Senatarka ismaamulka Kisumu Prof. Tom Ojienda ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in madaxweyne William Ruto uu xilliga doorashada guud ee sanadka 2027-ka ku xigeenkiisa u soo xusho xubin ka tirsan xisbiga ODM.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka talada haya iyo garabka mucaaradka ay ka wada shaqeyn doonaan soo dhisidda isbeheysi siyaasadeed.
Waxaa uu ku andacooday in taageerada ODM ee madaxweyne Ruto ay noqon doonto mid wax badan ka beddesha doorashada madaxtinnimo.
Senetarka ayaa intaasi ku daray in xisbiyada kale ay ku biiri doonaan isbeheysigan.
Waxaa uu sidoo kale xusay in hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu ku soo biiri karo tartanka.
Edwin Sifuna oo ah xoghayaha guud ee ODM ayaa sheegay in Raila Odinga u xisbiga uga tagay awaamiir cad oo ku aaddan in ODM aysan lumin saameynteeda.
Waxaa uu intaasi ku daray in xukuumadda talada haysa ay noqotay mid aan la jeclaysan siyaasaddeeda labadii sano ee la soo dhaafay.
Sifuna ayaa xaqiijiyay in xisbiga ODM uunan wax heshiis ah la saxiixan maamulka Kenya Kwanza.