Ismaamulka Nairobi oo waratada ugu talagalay meelo gaar ah

0
261

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa sheegtay in waratada aan loo oggolayn in ay ku ganacsadaan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla bartamaha caasimadda dalka ee CBD-da.
Waxay intaasi ku dartay in isbeddelkan cusub uu dhaqangalay laga soo billaabo 6-dii bishan sidaasi awgeedna waratada ay meelo gaar ah oo loo asteeyay ku ganacsan doonaan maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha inta u dhexeysa 4-ta galabnimo ilaa 10-ka habeennimo.
Goobahan gaarka ah ayaa ku yaalla hareeraha waddooyinka Tom Mboya Street iyo Kirinyaga Road.
Wargelin uu soo saaray xoghayaha dowladda ismaamulka NairobiGodfrey Akumali ayaa lagu sheegay in waratada aynan ku ganacsan karin waddooyinka sida Moi Avenue, Haile Selassie Avenue, Kenneth Matiba Road, Latema Road, Ronald Ngala Street, Mfangano Street, Hakati Road iyo River Road.
Akumali ayaa intaasi ku daray in cidii aan amarkan u hoggaansamin in dacwad lagu soo oogi doono.
Arrintan ayaa timid ka dib mooshin uu golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi uu hor geeyay wakiilka deegaanka hoose ee Umoja 1 Mark Mugambi kaasi oo la ansixiyay bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Tallaabadan ayaa ah mid lagu fududeynaya ciriiriga ka dhex jiro bartamaha Nairobi.