Dilalka soomaalida loogu geysanayo Koonfur Afrikaa oo sare u kacay

0
469

Wararka ayaa sheegaya in Maalmihii la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika ay ku soo bateen dilalka loo geeysanayo Muwaadiniinta Soomaalida Ganacsi ahaan u joogta dalkaas, iyadoo dilalka ay Geysanayaan Kooxo burcad Madoow Koonfur Afrikan ah, oo Ganacsatada dhac u geysanaya.
Todobaadkaan gudihiisa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay 6 Muwaadin oo Soomali ah halka tiro kale la dhaawacay, iyadoo sidoo kale la boobay dukaamo ay Soomaali leeyihiin oo ku kala yaal Magaalooyin ka tirsan wadanka Koonfur Afrika.
Soomaalida todobaadkaan Gudihiisa lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo dhalinyaro u badan ayaa waxaa Magacyadooda kala yihiin, Axmed Eybakar Cumar, (Goobe Ranboow), Ismaaciil Weydow Cumar sheikh Cabdi, Fitaax Xasan Nuur, Macalin Ibraahim Qaliiif, Cabdulqaadir Cumar Cali (Biibaaaye) iyo Axmed Geestiir Axmed Tima (Jilac).
Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay sameeyeen howlgallo kala duwan walow aysan ku guuleysan inay qabtan Kooxaha Burcadda, waxana madaxda dalka Koonfur Afrika ay ka aamusan yihiin dhibaatada lagu hayo Soomaalida.