Booliiska oo xiray haweeney ku eedeysan in ay dhac ka gaysatay Islii

0
554

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney muddo la raadinayay oo loo haysto inay fal dhac ah u gaysatay qofkii ay u shaqeynaysay xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi.
Nabalayo Everline Loice oo 23 sano jir ah ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedda dalka Uganda.
Waxaa xiray saraakiisha dambi baarista ee deegaanka Starehe.
Falka dhaca ah ayaa la soo tabiyay 1-dii bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Warbixinta loo gudbiyay saldhigga booliiska ee Pangani ee ismaamulka Nairobi ayaa muujinaysa in Nabalayo oo xilligaasi ay guriga ku wada sugnaayeen gabadh ay ka wada shaqeynayeen ay si ulakac ah u furtay albaabka iyadoo soo dhaweysay nin aan la aqoon oo hubeysnaa.
Waxay iyada iyo ninka iska kaashadeen in ay waxyeelleyeen gabadha kale oo si xun loo jirdilay.
Sida ay muujisay kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV-da , ninka tuugga ah ayaa dhaawacyo culus u geystay gabadha oo ah soomaali laguna magacaabo Xakiima Muxiyidiin.
Warbixinta waxaa qayb ka ah in falkaasi ka dib ay guriga kala baxsadeen dahab qiimihiisa lacageed lagu qiyaasay 210,000 oo shilinka dalka ah, nooca kombiyuutarka ee Laptop-ka oo uu qiimihiisu yahay 110,000 iyo taleefoonka gacanta ee nooca Infinix oo qiimihiisa uu yahay 15,000.
Nabayo Everline Loice ayaa laga soo qabtay suuqa Kariokor iyadoo isku dayeyso in ay si baxsad ah ugu safarto bas u kala goosha Kenya iyo Uganda.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jirta saldhigga booliiska waxayna maraysa baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Dhanka kale , saraakiisha ayaa weli ku daba jiro tuhmanaha labaad ee falkaasi lala xiriirinaya.