Ismaamulka Nyandarua oo si joogto ah u shaqaaleysiiyay macallimiinta ECDE-da

0
134

Guddoomiyaha ismaamulka Nyandarua Dr.Moses Kiarie ayaa xaqiijiyay in si joogto ah loo howlgeliyay ugu yaraan 250 ah macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada dhexe.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in macallimiinta ECDE-da ay horay ku shaqeynayeen qaab qandaraas ah.
Barasaabka ayaa sheegay in maamulkiisa uu in ka badan 10 milyan oo shilin u qoondeeyay bixinta mushaaraadka joogtada ah ee macallimiintan.