Dowladda Indonesia ayaa si rasmi ah ugu biirtay dalladda dhaqaale ee loo yaqaano BRICS.
Ururkan ayaa horay uga koobnaa waddamada Brazil, Ruushka , India , Shiinaha iyo Koonfur Afrika.
Shalay ayay ahayd markii Brazil oo hadda hoggaanka u haysa ururkan ay shaacisay xubinnimada Indonesia.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jakarta ayaa soo dhaweysay ku biiridda BRICS waxayna tallaabadaasi ku tilmaantay mid istaraatiiji ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka uu dhaqaalahoodu kobcaya.
Waxay wasaaraddu hoosta ka xarriiqday in iskaashigan uu yahay mid ku saleysan sinnaan , is-qadarin iyo horumar waara.
Indonesia ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowladda Ruushka oo sanadkii hore hoggaaminaysay dalladda BRICS oo ay sheegtay in ay fududeysay xubinnimadeeda.
Ka mid ahaanshaha Indonesia ee ururkan ayaa lagu ansixiyay shir sanadkii 2023-kii ka qabsoomay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.