Aqalka sare ee dalka ayaa xilka ka qaaday barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud .
25 ka mid ah senetarrada ayaa u codeeyay xilka qaadista barasaabka.
Waxaa ka soo horjeestay laba senetar halka afar ay ka aamuseen.
Waxaa uu noqday barasaabkii saddexaad ee xafiiska baneeya iyadoo horay xilkooda u waayay Ferdinand Waititu iyo Mike Sonko oo kala hoggaaminayay ismaamullada Kiambu iyo Nairobi.
Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa waxaa bishii hore xilka ka qaadday 37 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer .
10 wakiil ayaa ka soo horjeestay mooshinkii xilka qaadista ee laga gudbiyay.
Waxaa lagu eedeyay hab-dhaqan xumo , awoodiisa oo si aan habbooneyn uu u adeegsaday, ku takriifalka kheyraadka dadweynaha iyo sidoo kale inuu dastuurka ku xadgudbay.
Eedeymahan ayuu horay iskaga fogeeyay isaga oo ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan oo sumcadiisa lagu dhaawacaya.