Booliiska oo gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu dhac ka gaystay waddada Southern Bypass

0
356

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay Martin Otieno, oo looga shakisan yahay in uu ku lug leeyahay falal burcadnimo oo lala beegsaday gaadiidleyda adeegsada waddada Southern Bypass ee magaalada Nairobi.
Soo qabashadiisa ayaa timid ka dib kormeer xooggan oo ay sameeyeen saraakiisha kala duwan ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Otieno ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii lagu eedeeyay iskuday uu ku doonayay inuu dhac u gaysto qoys waddadaasi marayay.
Waxaa uu haatan Otieno ku xiran yahay saldhig booliis, iyadoo lagu wada in maalinka Isniinta ee 6-da bishan maxkamad la soo taago.
Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta ammaanka waddada South Bypass oo laga soo tabiyay falal dambiyeedyo.
Wadayaasha gadiidka ayaa lagu boorriyay inay feejignaadaan.