FBI oo baaraysa weerar lagu dilay ugu yaraan 15 qof

0
282

Waaxda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da ayaa wado baaritaanno ku aaddan weerarkii dhawaan ka dhacay Maraykanka ee ay ku dhinteen in ka badan 15 qof.
Eedeysanaha dadka baabuurka jiirsiiyay oo ay ciidamada booliiska toogteen ayaa magaciisa lagu sheegay Shamsud-Din Jabbar.
Waxaa uu ahaa muwaadin u dhashay Maraykanka oo ka soo jeeday gobolka Texas.
FBI ayaa sheegtay in ay baaraysa dhacdadaasi oo loo maleynaya fal argagixiso waxayna intaasi ku dartay in ay aaminsan tahay in weerarka uunan keligii gaysan qofka la dilay.