Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay Koonfurta Qaza

0
283

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 11 ruux oo Falastiiniyiin ah ku dilay aagga al-Mawasi ee Koonfurta Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in halkaasi uu ka da’aya roob , waxaa jiro qabow daran iyo cunno yari baahsan.
Tani ayaa sii adkeynaysa xaaladda baniaaddannimo ee uu sababay duullaanka militari ee Israa’iil kaasi oo soo billowday 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.
Dhanka kale wasiirka difaaca ee Israa’iil ,Israel Katz ayaa ururka Xamaas uga digay in haddii aynan joojin weerarrada oo aynan soo siidayn maxaabiista ku xiran Qaza in ay la kulmi doonaan awood falcelin ah oo aan loo arag muddo dheer.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee 2023-kii , waxaa duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay in ka badan 45,553 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 108,379 kale.