Mucaaradka Chad oo doonaya in waxba kama jiraan laga soo qaado doorashadii dhacday

0
135

Siyaasiyiinta garabka mucaaradka ee dalka Chad ayaa dalbanaya in waxba kama jiraan laga soo qaado doorashadii guud ee waddankaasi ka qabsoontay 29-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Waxay tani u aaneynayaan in codeynta si wayn loo qaadacay.
Dhanka kale, guddiga doorashooyinka ee dalka Chad ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono tirinta codadka oo uu natiijada ka soo baxdana shaacin doono.
Ku xigeenka madaxa guddiga qaran ee doorashooyinka ee waddankaasi Assane Bairra ayaa sheegay in khaladaadka la soo tabiyay aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin natiijada.
Waxaa la filayaa in doorashada ay horseeddo in laga gudbo maamulka militariga ee Chad ka jiray saddex sano ka dib geeridii madaxweyne Idriss Deby Itno ee bishii Afaraad ee sanadkii 2021.
Bishii Shanaad ee May ayay ahayd markii wiilka uu dhalay Deby oo lagu magacaabo Mahamat Idriss Deby la shaaciyay inuu xilka madaxtinnimo ku guulaystay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in natiijada horudhaca ah ee doorashada guud ee Chad ka qabsoontay Axaddii lagu dhawaaqo 15-ka bishan sid laga soo xigtay maamulka doorashooyinka ee ANGE .