Madaxa xafiiska baaritaannada ku sameeya eedeynaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah saraakiisha sare ee dalka Kuuriyada Koonfureed Oh Dong-woon ayaa sheegay in madaxweynihii xilka laga qaaday ee waddankaasi Yoon Suk-yeol la xiri doono.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in si buuxda loo dhaqan gelin doono warqaddii waaranka ee loo jaray Yoon si muddada kama dambeyska ah ee la qabtay gudaheeda xabsiga loogu taxaabo ka hor toddobaadka xiga.
Waxaa uu warfidiyeennada u sheegay in ay doonayaan geeddisocod toosan oo aan culeysyo lahayn hasa ahaate, ay isku duba ridayaan abaabulka booliiska iyo howlwadeennada qorshahan u diyaar garoobaya.
Waxaa uu soo saaray digniin ah in cid kasta oo isku dayda in ay hor istaagto xabsi geynta Yoon in dacwad lagu soo oogi doono.
Mas’uulkan ayaa sheegay in aynan marnaba u dulqaadan doonin tallaabo kasta oo looga hor istaagaya gudashada waajibaadka saaran.