Waaxyaha dowladda oo afartii bilood ugu dambeysay 3.5 bilyan u adeegsaday safarro

0
241

Warbixin cusub oo uu soo saaray xafiiska maareeyaha miisaaniyadda dowladda ee ay hoggaamiso Dr.Margaret Nyakang’o ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee ugu dambeysay ay waaxyaha dowladda 3.5 bilyan oo shilin u adeegsadeen safarro.
Safarradan ayaa isugu jiro kuwo maxalli iyo kuwo ay mas’uuliyiinta waaxyaha dowladda ku tageen qurbaha.
2.5 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah ayaa loo adeegsaday safarrada gudaha halka hal bilyan oo shilin loo isticmaalay dibadda.
Warbixinta ayaa shaaca ka qaadday in xildhibaannada baarlamaanka dalka ay yihiin kuwa ugu badan ee safarro kula duwan galay, iyagoo muddadaasi adeegsaday lacag dhan hal bilyan oo shilin.
Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa afartii bilood ee ugu dambeysay safarro gudaha iyo qurbaha ku baxday 426.3 milyan oo shilin.
Xafiiska madaxweynaha ayaa safarro gudaha dalka u adeegsaday 11.0 milyan halka dibadda ay ku baxday 1.3 milyan oo shilin.
Aqalka madaxtooyada dalka ee State House ayaa safarro ku qarash geliyay 48.8 milyan oo shilin.
Dr. Margaret Nyakango ayaa arrinkan walaac ka muujisay, waxay ku tilmaantay in safarradu ay yihiin kuwo aan muhiimad wayn lahayn oo lagu tagriifalaya kheyraadka dadweynaha.