DHAGEYSO:Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyadeeyay wariye Muqdisho ku geeriyooday

0
397

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wariye Axmad Xuseen Caddow oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka Howlgala Warbaahinta Dalsan.
Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey Isbitaalka Yerdameli ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu la jiifay xanuunka dhanka wadnaha ah, iyadoo dhakhaatiirta Isbitaalka ay sheegeen inaan dalka waxba looga qaban karin.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelka, qaraabada iyo dhamaan bahda Warbaahinta Soomaaliya ee uu ka baxay Axmad Caddow, isaga oo Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee Axmad Xuseen Caddow waxaa uu ka howlgalayey Warbaahinta Dalsan Media, wuxuuna sidoo kale horay uga soo shaqeeyay warbaahino kale duwan oo dalka Soomaaliya ka howlgalo.
Marxuumka ayaa lagu aasay Maanta Qabuuraha Iskuul booliisiya ee Magaalada Muqdisho,Qaar ka mid ah Ehellada Wariyaha ayaa goobta aaska warbaahinta kula hadlay.

Agaasimaha Warbaahinta Dalsan ayaa isna faahfaahiyay Geerida Wariyaha.