Ciidamada booliska ee ismaamulka Samburu ayaa gacanta ku dhigay foolasha maroodiga oo mug ahaan dhan 13 kiilogaraam.
Saraakiisha ammaanka iyo ciidamada waaxda adeegga duurjoogta ee KWS ayaa sheegay in ay qabteen saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya ganacsigan sharci darrada ah.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Maralal.
Laamaha ammaanka ayaa wado baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan eedeysanayaasha maanta maxkamadda la soo taagin.
Booliska ayaa intaa ku daray in eedeysanayaasha ay ka soo qabteen tuulada Barsaloi ee ismaamulka Samburu ka dib wargelin uga timid bulshada.
Taliyaha booliska ee bartamaha Samburu ,Alex Rotich ayaa qiimaha foolasha maroodiga ee la qabtay ku sheegay 1.7 milyan.