Kenyaanka ku xayiran India oo dalbanaya in la soo daad gureeyo

0
440

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku xayiran gudaha wadanka India ayaa dowladda ka codsaday in ay halkaasi ka soo saarto.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen xaaladaha caabuqa corona ee India iyo dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19.
Waxaa dadka doonaya in Kenya dib loogu soo celiyo ka mid ah Edward Ochieng oo aabihii howlo caafimaad ugu qaaday India.
Mr. Edward ayaa sheegay in wadankaas ay ku xanniban yihiin ilaa 40 qof oo 39 ka mid ah ay u raadsadeen daryeel caafimaad.
Safaaradda Kenya ee India ayaa dhankeeda muwaadiniinta ugu baaqaysa in ay dulqaad muujiyaan.