Qaybo ka mid ah waddada Southern Bypass ee Nairobi oo muddo 13 cisho xirnaan doona

0
338

Maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee (KeNHA) ayaa shaaciyay in laga billaabo abaare 8-da subaxnimo ee berri oo Talaado ah ee 24-ka bishan la xiri doono waddada Southern Bypass ee magaalada Nairobi.
Waddadan ayaa xirnaan doonta ilaa fiidnimada Axadda ee 5-ta bisha Koowaad ee sanadka cusub ee 2025-ka.
Agaasimaha guud ee maamulka KeNHA ,Kungu Ndungu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in la xiri doona waddada Southern Bypass ilaa isgoysyada Ole Sereni iyo Ngong Road.
Waxaa uu intaasi ku daray in muddadan dib u habeyn lagu saameyn doona waddadan iyo dhammaan buundooyinka ku teedsan qaybahan.
KeNHA ayaa gaadiidleyda ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka iyo tilmaamaha ay bixinayaan saraakiisha waaxda taraafikada.