Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa golaha qaran ee xeer dejinta u gudbiyay magacyada xubno loo magacaabay xilal kala duwan ee dowladda si uu baarlamaanka waddanka u ansixiyo.
Tani ayaa daba socota magacaabis cusub oo uu madaxweynaha dalka sameeyay labadii maalmood ee ugu dambeysay.
Magacabiista uu madaxweyne Ruto sameeyay ayaa isugu jiray jagooyin wasiir, xilalka guddoomiyeyaasha waaxyaha dowladda iyo safiirro dibadeed.
Qoraal uu maanta soo saaray afhayeenka baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayuu ku sheegay in magacyada xubnaha loo magacaabay xilalka kala duwan loo gudbiyay guddiga baarlamaanka ee qaabilsan turxaan bixinta.
Xubnaha xilalka wasiir loo magacaabay ayaa kala ah, Mutahi Kagwe, wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee waddanka.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Kiambu William Kabogo ayaa dhawaan madaxweynaha dalka u magacaabay wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo dhijitaalka casriga ah, halka guddoomiyihii hore ee dowlad deegaanka Nakuru Lee Kinyanjui loo magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga.
Wetangula ayaa xusay in magacyada shakhsiyaadka loo magacaabay xilalka kala duwan ee diblamaasiyadeed loo gudbiyay guddiga waaxda difaaca, sirdoonka iyo xiriirka dibadda ee baarlamaanka.
Karraaniga golaha qaran ee xeer dejinta ayaa la faray in uu ogeysiiskan u gudbiyo dhammaan xubnaha golaha baarlamaanka, si ay u qabtaan turxaan bixinta shakhsiyaadka xilalka cusub loo magacaabay.