Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in ay saaxiibbo yihiin Gachagua

0
404

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in ay saaxiibbo yihiin oo aynan wax xumaato ah ka dhexeyn isaga iyo Rigathi Gachagua oo uu beddelay ka dib xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Waxaa uu sidoo kale beeniyay warbixinnada la xiriira inuu ku lug lahaa xil ka xayuubintii Gachagua.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in aynan jirin sabab uu qof ula collaytamo mise uu isu barbardhigo mas’uul hore.
Kithure Kindiki ayaa xusay inuu hadda diiradda saaraya u adeegidda shacabka iyo gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday oo uunan ku mashquulsanayn siyaasadda doorashada xigta iyo cidda beddeli doonto madaxweyne William Ruto.