Ugu yaraan 50 qof oo ku dhintay shilal ka dhacay Afghanistan

0
233

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 50 qof ka dib markii labo shil ay ka dhaceen bartamaha dalka Afghanistan.
Shilalka ayaa laga soo tabiyay waddo wayn oo ku taalla gobolka Ghazni gaar ahaan inta u dhexeysa caasimadda Afghanistan ee Kabul iyo magaalada Koonfureed ee Kandahar.
Waxaa sidatan barta rasmiga ee X ku sheegay madaxa warfaafinta iyo dhaqanka ee gobolkaasi Hamidullah Nisar .
Shilka koowaad ayaa u dhexeeyay bas rakaab siday oo ay isku dhaceen booyad shidaal oo maraysay meel u dhow tuulada Shahbaz ee bartamaha gobolka Ghazni.
Nisar ayaa laga soo xigtay in shilka labaad oo u dhexeeyay bas iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada laga soo tabiyay bariga degmada Andar.
Afhayeenka xafiiska guddoomiyaha gobolka Ghazni oo lagu magacaabo Hafiz Cumar ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada ee ka dhalatay shilalkaasi.
Hasa ahaate afhayeenka madaxa maamulka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa dhimashada ku sheegay 52 ruux.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay dhaawacmeen 65 qof oo dheeraad ah.
Hasa ahaate, qaar ka mid ah saraakiisha dalka Afghanistan ayaa laga soo xigtay in dhaawaca uu gaaraya 76 qof.