Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay xasuuq shacab ka gaysanaysa Qaza.
Tani ayaa loo aaneeyay in shacabka Falastiin ee ku nool Qaza loo diiday helidda biyo nadiif ah.
Hay’adda ayaa beesha caalamka ugu baaqday in ay cunaqabateyn ku soo rogto Israa’iil .
Dhanka kale, Israa’iil ayaa iska fogeysay eedeymaha la xiriira xasuuqa ee loo jeediyay waxayna sheegtay in ay xaq u leedahay in ay is difaacdo.