In ka badan 16 qof oo lagu dilay Waqooyiga Qaza

0
94

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa ugu yaraan 16 ruux ku dilay weerar ay ka gaysteen Waqooyiga Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxaa dadkan ka mid ah carruur iyo dhakhtar ka howlgalayay isbitaalka al-Ahli Arab Hospital.
Tani ayaa tirada guud ee dadka lagu dilay Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 45,097 Falastiiniyiin ah halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 107,244 kale.
Dhanka kale ,militariga Israa’iil ayaa weeraray goobo ay ku tilmaameen fadhiisimaha kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxay halkaasi ku duqeeyeen labo ka mid ah xarumaha korontada , dekad iyo kaalin shidaal sida ay ku warramayaan warbaahinta maxalliga ah.
Weerarradan ayaa yimid saacado un ka dib markii ay ciidamadu sheegeen in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray dhanka Yemen.