Bashar Al-Assad oo markii ugu horreysay hadlay

0
188

Madaxweynihii hore ee dalka Syria Bashar Al-Assad ayaa tan iyo markii xilka laga tuuray soo saaray warbixintii ugu horreysay.
Warbixinta oo lagu soo daabacay bogga rasmiga ee madaxtooyada Syria ee Telegramka ayaa ku qorneyd afafka Carabiga iyo Ingiriiska.
Ilaa hadda , lama xaqiijin karo in Assad u isaga qoray warbixintaasi iyo in kale.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu aaday saldhigga milatari ee Ruushka ee gobolka Latakia si uu u kormeero howlgalla militari balse uu la kulmay ciidamada Syria oo farriisimahooda banneeyay.
Garoonka diyaaradaha ee Khmeimim oo uu ku sugnaa ayaa waxaaa weerarro cirka ah ku soo qaaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sidaas owgeedna ay ciidamada Ruushka u duuliyeen magaalada Moscow.
Waxaa uu intaasi ku daray in uusan go’aansan inta ay dhacdooyinkan socdeen inuu xilka ka dego mise uu magangalyo raadsado.
9-kii bishan ayay ahayd markii warbaahinta Ruushka ay tabisay in magangelyo laga siiyay dalkaasi in kastoo aysan jirin caddayn rasmi ah.
Mucaaradkii xilka kala wareegay ayaa wali ku guda jira soo dhisidda dowlad ku meel gaar ah.