Laamaha ammaanka ee Ruushka oo gacanta ku soo digay qof looga shakisan yahay dilkii Janeraal Igor Kirillov

0
152

Saraakiisha ammaanka ee dalka Ruushka ayaa sheegay in ay soo xireen nin 29 sano jir ah oo u dhashay dalka Uzbekistan oo lala xiriiriyay dilkii loo geystay Janeraal sare Igor Kirillov iyo gacan yarihiisi Ilya Polikarpov oo ka dhacay magaalada Moscow.
Guddiga baaritaanka sameeyay ayaa sheegay in tuhmanaha ay howlgeliyeen ciidamada gaarka ah ee Ukraine.
Igor Kirillov, ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii ahaa madaxa ciidamada nukliyeerka, baayooloojiyadda iyo ilaalinta kiimikada wuxuuna shalay subax ku geeriyooday afaafka hore ee dhisme ka dib markii ay bambo qaraxday.
Adeegga amniga ee dowladda Ruushka ee (FSB) ayaa sheegay in eedeysanaha uu wajahaya xabsi daa’in.
Waxaa uu adeegga FSB intaasi ku daray in tuhmanaha loo ballan qaaday abaal marin lacageed oo dhan 100,000 oo doollar iyo in loo oggolaanaya inuu tago dal ka tirsan qaaradda Yurub haddii uu dilo Kirillov.
Afhayeenka dowladda Ruushka, Dmitry Peskov ayaa dowladda Ukraine maanta ku eedeyay in ay gaysatay fal argagixiso in kastoo aynan Ukraine eedeyntan ka jawaabin.
Isniintii ayay Ukraine isagoo aan joogin dacwad ku soo oogtay Kirillov oo ahaa 54 jir waxaa ayna sheegtay in uu mas’uul ka yahay isticmaalka ballaaran ee hubka kiimikada ah ee la mamnuucay.
Hasa ahaate ,Ruushka ayaa dhankiisa beeniyay eedeyntaasi.
Marka laga soo tago eedeymaha ay Ukraine ku soo oogtay, 54-jirkan ayaa waxaa horay cunaqabateyn ugu soo rogay Ingiriiska sababo la xiriira isticmaalka hubka kiimikada in kastoo xukuumadda Moscow ay taasi beenisay iyadoo xustay in ay burburisay kaydkii u dambeeyay ee hubka kiimikada sanadkii 2017-kii.