Meydadka in ka badan 100,000 oo qof oo laga helay xabaal wadareed lagu arkay Dimishiq

0
186

Xabaal-wadareed lagu arkay duleedka caasimadda dalka Syria ee Dimishiq ayaa waxaa laga helay meydadka ugu yaraan 100,000 oo qof oo la dilay xilligii u talada dalkaasi hayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Al-Assad sida uu sheegay madaxa guddiga xaaladaha degdegga ah ee Suuriya.
Mouaz Moustafa ayaa xusay in goobtan oo ku taalla Al-Qutayfah oo ilaa 40 kiilomitir dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Dimishiq ay ka mid tahay Shan xabaal wadareed oo uu aqoonsaday sanadihii la soo dhaafay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Moustafa ayaa intaas ku daray in boqolka kun ay tahay qiyaasta ugu macquulsan ee tirada meydadka lagu aasay goobtasi
Boqolaal kun oo Suuriyaan ah ayaa la qiyaasaa in la dilay tan iyo 2011 markii maamulkii Bashar Al-Assad uu ku kacay falcelin ballaaran oo ka dhan ahayd dibadbaxyadii looga soo horjeeday oo isku beddelay dagaal sokeeye oo baxaad leh.
Al-Assad iyo aabihis Hafez ayaa Suuriyiinta, kooxaha xuquuqul insaanka iyo dowladaha kale ay ku eedeeyeen in ay geysteen dilal sharci darro ah.
Bashar Al-Assad waxaa uu si isdaba joog ah u diiday in dowladiisu ay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadanka,waxaana uu ku tilmaamay kuwa isaga wax u dhimaya in ay yihiin kuwa xagjiriin ah.