In ka badan 14 qof oo lagu dilay Marinka Qaza

0
144

Weerarro ay Israa’iil saaka ka gaysteen Marinka Qaza ee dalka Falastiin ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 14 ruux.
Toban ka mid ah dadkan ayaa ku geeriyooday duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ku bartilmaameedsadeen dhisme la deggan yahay oo ku yaalla magaalada Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in aad loogu dhow yahay in heshiis laga gaaro wada hadallada xabbad joojinta.
Weerarkii saaka ee bartamaha Qaza ayaa lala eegtay hooyga qoyska Tabatibi ee xaafadda Daraj .
Warbaahinnada Falastiin ayaa tabinaya in qoyskaasi ay iskaga carareen dhismaha oo ku yaalla Bariga magaalada Qaza.
Warbaahinta caalamiga ee Al-Jazeera ayaa ku warramaysa in gurigaasi la bartilmaameedsaday iyadoo aynan jirin digniin hore.
Dhanka kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku baaqday in la gaaro heshiis xabad-joojin ah iyadoo sheegtay in mid ka mid ah isbitaallada kaliya ee ka shaqeynayo Waqooyiga Qaza uu wajahayo xaalado la dhibsado.
Hussam Abu Safia oo ah agaasimaha isbitaalka Kamal Adwan Hospital ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay bartilmaameedsadeen qaybta daryeelka degdega ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale la weeraray matoorrada korontada dhaliya taasi oo sababtay koronto la’aan.
Sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa bambooyin la eegtay gudaha xaruntaasi caafimaad.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay , duqeymaha militari ee Israa’iil ay ku dhinteen 31 ruux oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa muddadan gudaheeda la dhaawacay 79 kale.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ku geeriyooday weerarrada Israa’iil ee gudaha Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 45,059 qof iyadoo la dhaawacay 107,041 dheeraad ah.