DHAGEYSO:Raila Odinga oo racfaan ka qaadanaya go’aan maxkamadda ay ku laashay BBI

0
350

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo guddiga sare ee qorshaha sharci beddelka ee BBI ayaa racfaan ka qaadanaya go’aankii dhawaan maxkamadda sare ee wadanka ay ku sheegtay in qorshahan uu yahay waxba kama jiraan.
Qareenka Raila Paul Mwangi ayaa sheegay in aynan ku qancin amarka 5-ta garsoorayaal.
Waxaa uu Mr. Odinga ku doodayaa in xaakinnada ay dusha saarteen shaqo aan tooda ahayn sharci ahaan.
Mr. Odinga, guddiga sare ee qorshaha dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI iyo xeer ilaaliyaha qaranka Paul Kihara Kariuki ayaa soo saaray wargelin ku aaddan in ay gudbinayaan racfaan ka dhan ah go’aanka maxkamadeed ee gudaha dalka si weyn looga hadal hayo.
Waxay ku doodayaan in amarka maxkamadda ka soo baxay uu yahay mid dulduleel leh.
Paul Mwangi ayaa sheegay in xaakinnada ay iska indha tireen in 4 milyan oo qof oo Kenyaan ah ay saxiixyadooda ku taageereen BBI oo looga gol leeyahay in lagu beddelo qaar ka mid ah xeerarka wadanka.
Waxaa uu su’aal geliyay sida ay ku timid in garsoorayaasha ay sheegeen in hindise sharciyeedka aan shacabka lala wadaagin iyada oo dadka saxiixay ay xoghaynta BBI ku wargeliyeen in ay fahmeen qorshahan ka dibna go’aansadeen in ay taageeraan.

Qareenka sare ee dowladda Ken Ogeto ayaa sheegaya in shakhsiyaadka uu taabanaya go’aanka maxkamadda oo uu ka mid yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta ay saameyn soo gaari karto hadii aan laga falcelin.