In ka badan 10 qof oo lagu dilay Marinka Qaza

0
131

Ciidamada Israa’iil ayaa weli wada duqeynta Marinka Qaza iyagoo dilay ugu yaraan 10 ruux sidoo kalena isbitaalka Kamal Adwan Hospital ka jaray matoorrada korontada dhaliya.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku tilmaamay xaaladda isbitaalka Kamal Adwan ee la gu’doomiyay inay tahay mid laga xumaado wuxuuna ku baaqay in ciqaabtan la joojiyo.
Dadkii ku geeriyooday duqeynta Israa’iil waxaa ka mid ahaa Khaled Nabhan, oo ahaa awoowe ku nool Qaza oo soo jiitay indhaha malaayiin qof ka dib markii laga duubay muuqaal isagoo u baroordiiqaya gabadh uu awoow u ahaa oo la dilay.
Duullaanka militari ee Israa’iil ay ka wado Marinka Qaza tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,028 qof halka lagu dhaawacay 106,962 kale oo Falastiniyiin ah.