In ka badan 30 qof oo lagu dilay Qaza

0
278

Maamullada dalka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 33 ruux lagu dilay weerar ay Israa’iil la eegatay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Bartamaha Qaza.
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid laga dheehan karo badowtinnimo iyo wuxushnimo.
Dadka duqeynta lagu dilay ayaa badankooda ka soo jeeda qoyska Al-Sheekh Cali .
Militariga Israa’iil ayaa lagu eedeyay inuu ogaa in dhismaha uu weeraray ay ku noolaayeen shacab ay ka mid yihiin carruur ,haween iyo barakacayaal.
Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Israa’iil ay gubtay xafiiska boostada ee Nuseirat oo hooy u ahaa barakacayaal iyo guriyo halkaasi u dhow.
Reuters ayaa ku warramaysa in ilaa 50 ruux lagu dhaawacay falkaasi halka tirada dhimashada ay ka badan tahay 30.