Dowladda oo guud ahaan waddanka ka dhistay 1,300 oo ah guriyaha la awoodi karo

0
349

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta sheegay in guud ahaan waddanka laga hirgeliyay guriyaha tayeysan ee qiimo ahaan la awoodi karo oo gaaraya 1.300.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladdu ay mudnaan siinaysa sidii adeegga intarneetka loogu xiriirin lahaa 74,000 oo ah xarumaha dadweynaha.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in la hirgelinaya 25,000 oo ah xarumo ay dadweynaha ka helayaan adeegga intarneetka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa dhanka kale xusay in uu hoos u dhacay sicir bararka iyo qiimaha cuntooyinka aasaasiga ah.
Waxaa uu cadeeyay inuu soo dhaweynaya dhaliilaha loo jeediyo maamulkiisa balse uu keliya codsanaya in ay noqdaan kuwo xaqiiqada ku saleysan.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay inuu madaxweynaha qaranka ku bogaadinaya booqashadii uu dhawaan hooygiisa ugu tagay madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo la shaqeynta Raila Odinga.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay xoojinaysa midnimada iyo wadajirka.