Wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar ee dalka Wycliffe Ambetsa Oparanya ayaa kenyaanka iska diiwaangeliyay sanduuqa Hustler Fund ka codsaday inay dib u bixiyaan lacagaha ay deynsadeen.
Oparanya ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la bixiyo deymaha la qaatay, si kenyaanka kale ay u helaan amaah.
Tiro kenyaan ah ayaa ilaa hadda bixin deymaha Hustler Fund oo ay horay u qaateen, taas oo la sheegay inay adag tahay in baarnamijkan uu noqdo mid guuleysta.
Waxaa ilaa hadda la bixinin amaah lacageed oo dhan 7 bilyan oo shilin oo ay qaateen 13 milyan oo kenyaan ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhiirigeliyay ganacsatada in ay qaataan dadaallada maaliyadeed ee dowladda oo ah dariiq loo maro kobaca dhaqaalaha waddanka.
Home Wararka Kenya Wasiirka iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar oo ku baaqay in la bixiyo lacagaha...