64.8 milyan oo ruux oo cunno yari ku wajahaya Geeska Afrika

0
244

Warbixin ay soo wada saareen hay’adda cunnada iyo beeraha ee qaramada midoobay ee (FAO) iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika ay cunno yari ku haysato 64.8 milyan oo qof.
Tiradan ayaa wax yar hoos uga dhacday midii bishii Tobnaad ee sanadkan oo ahayd 65 milyan.
Tani ayaa loo aaneeyay in ay soo wanaagsanaatay helidda cunnada iyo roobab ka da’ay dalalka xubnaha ka ah IGAD.
35 milyan oo ka mid ah dadka ay saameeysay cunno yarida ayaa ku kala nool waddamada Jabuuti ,Eritrea, Itoobiya , Kenya, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan iyo Uganda oo ka tirsan IGAD iyo kuwa kale oo Geeska Afrika ku yaalla sida Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ee CAR iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee (DRC).
Waxaa warbixinta ku xusan in gobolka Geeska Afrika uu marti geliyay in ka badan 29 milyan oo barakacayaal ah kuwaasoo dalalkooda uga soo qaxay colaado iyo khatarrada la xiriira cimillada si gaar ah Suudaan iyo DRC.
Qulqulka barakacayaasha ayaa culeys dheeraad ah oo ku aaddan helidda cunnada saaraya bulshooyinka dadkan marti geliyay.