Qaramada Midoobay oo sheegtay in dagaallada Syria ay ku barakaceen 280,000 oo ruux

0
465

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in tan iyo 27-kii bishii hore ay dagaallada ka taagan dalka Syria ku barakaceen ilaa 280,000 oo qof.
Madaxa isku duwidda xaaladaha degdegga ah ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP Samer AbdelJaber ayaa sidatan sheegay xilli uu warfidiyeennada kula hadlayay magaalada head Geneva ee dalka Switzerland.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tirada barakacayaasha ee uu shaaciyay aynan ka mid ahayn dadka ka soo qaxay guriyahooda waddanka Lebanon oo ay ka socdaan duqeymo.
Mas’uulkan ayaa xusay in tirada baracakayaasha ee Syria ay gaari karto 1.5 milyan oo qof.
Arrintan ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii kooxda Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ay weerarro billowday.
WFP ayaa ka digtay in barakaca baahsan ee hadda ka jiro dalka Syria oo ay colaado sokeeye ka taagnaayeen muddo 13 sano ah in ay sii kordhin karta culeysyada sanadaha badan soo jiray.
Samer AbdelJaber ayaa sheegay in WFP iyo hay’adaha kale ee baniaadannimada ka shaqeeya ay ku dadaalayaan in ay bulshooyinka baahan ugu gurmadaan halka ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu sidoo kale xusay in si degdeg ah loogu baahan yahay in maalgelin dheeraad ah loogu deeqo hay’adaha samafalka maadaama ay u badan tahay in barakaca uu sii kordho maalmaha mise bilooyinka nagu soo aaddan .