16 ka mid ah xildhibaannada Tanzania oo shil ku dhaawacmay

0
381

Waxaa ay dhaawacyo soo gaareen 16 ka mid ah xeer dejiyaasha dalka Tanzania ka dib shil saaka la soo tabiyay.
Waxaa uu shilka u dhexeeyay bas siday xildhibaannada iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Wargeyska The Citizen ee dalka Tanzania ayaa ku warramaya in siyaasiyiintan ay ku soo wajahnaayeen ismaamulka Mombasa si ay uga qayb galaan cayaaraha baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC-da.
Golaha qaran ee xeer dejinta ee Tanzania ayaa laga soo xigtay in shilka uu ka dhacay aagga Mbande oo ka tirsan degmada Kongwa ee gobolka Dodoma.
Bayaanka baarlamaanka Tanzania waxaa qayb ka ah in xildhibaannada dhaawacmay qaar ka mid ah la geeyay isbitaallada Uhuru Hospital iyo Benjamin Mkapa Hospital ee Dodoma si ay u helaan daryeel caafimaad.
Hasa ahaate , faahfaahin dheeraad ah lagama bixin magacyada dhaawacyada iyo xaaladooda caafimaad ee waqti xaadirkan.